Sidee taageero ah ayaan u heli karaa aniga iyo cunuggayga?

Bulshadda Soomaaliyeed dhexdeeda waxaa ka mid ah talooyin badan oo loo soo jeediyo in lagu daweeyo cudurka Autismka:

  • Caanaha geela
  • Supplements off internetka
  • Isticmaalka Quraanka iyo iimaanka
  • Cunugga oo dib loogu celinayo Soomaaliya

XAQIIQO: Qofka qabo cudurka autismku mar walba wuxuu la noolaanayaa cudurka Autismka, waa xaalad nololeed oo dhan.

Dawo malaha. Faith iyo bogsashada ruuxiga ah ayaa kaa caawin kara in aad ula jaan qaado xaaladda

LAAKIIN ma badeli doonto helidda taageero iyo barista xirfadaha nolosha.

Autism-ka micnaheedu maahan in aysan qaban karin waxyaabaha qof walba sameyn karo. Shaqo way heli karaan, qoys ayey lahaan karaan. Waxay baran karaan in ay hadlaan. Waxaa laga yaabaa inay sawiro ku bartaan. Waa muhiim in la fahmo in ay si kala duwan wax u bartaan oo ay dunida u arkaan si ka duwan.

waxba kama yara, way kala duwan yihiin.

Xirfadlayaasha ayaa kaa caawinaya inaad baratid xirfado aad kula xiriirto cunuggaada ayna u maareeyaan habdhaqankooda. Waxad ku caawin kartaa in la sameeyo qaab-dhismeed guriga lagu sameeyo, tusaale ahaan isticmaalka luuqada fudud, macluumaadkana sida muuqaalka loo siinayo, sida ad u hesho jadwal cad oo loogu talogalay howlaha maalintaas ee ilmuhu sida fudud u fahmi karo.

Si aad u soo dejisan macluumaadkan iyo qaar ka mid ah talooyin top, riix links hoos ku qoran.

Sidee taageero ah ayaan u heli karaa aniga iyo cunuggayga? (English version) wuxuu u furmayaa tab cusub

Sidee taageero ah ayaan u heli karaa aniga iyo cunuggayga? (Somali version) wuxuu furmayaa tab cusub.

 

Autism Independence waxay la shaqeysay NIHR si ay u soo saarto fiidiyowyadan oo lagu daawado xaqiiqda dhabta ah.